Australia Free Web Directory

Ogadentube | TV & film



Click/Tap
to load big map

Ogadentube

Phone: +61 412 935 210



Reviews

Add review



Tags

Click/Tap
to load big map

25.01.2022 Gudiga Fulinta Jwxo oo Saaka Kulan ugu Furmay Xafiska Gudoonka Jwxo, Waxaa saaka Kulan baladhan yeeshay Gudiga Fulinta Jabhada Wadaniga Xoraynta ogadenia (Jwxo) kulankan ayaa lahaa Ajandayaal badan , Qodabada kulankan lagaga Hadlay ayaa waxaa kamid ahaa 1: Warbixin Guud iyo Xaladuhu meesha ay marayaan iyo Socdalkadii Shaqo ee Gudomiyaha Jwxo iyo wax yabaha u qabsomay .... 2: arimaha ururka Jwxo 3:Qorshayn Howgalo loogu bixi doono Dhamaan Gobolada . Kulankan Gudiga Fulinta Jwxo ayaa Ka Furmay Xafiiska Gudomiyaha Jwxo Dr Abdirahman Sheikh mahdi (Maaday) kulankan ayaa lagu wadaa in uu maanta kusoo Dhamaado . Suuraj Faarax Q/M



17.01.2022 Gudoomiyaha JWXO oo Jigjiga Lagusoo Dhaweeyay. Waxaa galabta Magaalada Jigjiga ee Xarunta Gobolka Faafan si aan horay loo arag loogusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO ) Dr. Cabdiraxmaan Sh Maxamed Mahdi oo safar shaqo ugu maqnaa magaalada Addis Ababa. Gudoomiyaha oo soomaray qaybta VIP da ee Garoonka magaalada Jigjiga ayaa afaafka hore ee Gagida Dayuuradaha kula hadlay kumanaan kamid ah xubnaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia iyo taageera...yaasha halganka. Gudoomiyaha ayaa mahad celin kadib bulshada uga warbixiyay socdaalkiisii iyo wuxuu lasoo kulmay isagoo sheegay in uu kusoo guulaystay socdaalka. Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa bulshada usheegay in loodiyaar garoobi doono doorashada lagu wado in ay dalka kadhacdo' taas oo uu Gudoomiyuhu kutilmaamay in ay shacabku dooran doonaan cida ay dantu ugu jirto. hadalka Gudoomiyaha oo muuqaal ah goordhaw Filo Inshaa Allaah.

11.01.2022 Go'ankii gudiga Anshaxe ee JWXO halkan hoose ka akhri.

06.01.2022 Dad Shacab Ah oo Qabridahare Si Sharci Daro Ah Ugu Xidhan. Waxaa xero ciidan oo ku taala duleedka magaalada Qabridahare si aan sharci ahayn ugu xidh xidhan dad Shacab ah oo ilaa iyo hada waxay galab sadeen aan la ogayn. Dadkan oo tiro ahaan dhan 18 qof ayaa sida laxaqiijinayo laga sooqaqabtay xaafadaha magaalada Qabridahare, kadib rabshadii ay maamulku mas'uulka ka'ahaayeen ee magaalada kadhacday 17/01/2021.... Dadkan oo dhamaan tood ah shacabka magaalada Qabridahare ayaa si af-duub ah ugu xidhan xero ciidan oo kutaala Deegaanka Tuli oo Magaalada ujira 6km. Lama garanayo sababta aan loogu xidhin xabsiga magaalada Qabridahare iyo sababta aan ilaa hada loogaynin maxkamad, taas oo kadhigan in ay sharci daro kuxidhan yihiin. Majiro wax booqasho ah oo dadkan loogu tagi karo, waxayna arintaasu shacabka xasuusinaysaa dhaqankii larajaynayay in uu dalka ka suulo, Kaas oo dib usoonoqoshadiisu aysan keenaynin cawaaqib fiican. Magacyada dadka afduuban ayaa kala ah. 1 Sahra Ibraahim Kilaas. 2 Samsam Macalim Axmed. 3 Niciimo sugule. 4 Fardowsa Maxamed. 5 Nimco Biixi. 6 Nuura Sheekh Cali. 7 Khadra Xuseen. 8 Maadh Makhtal. 9 Masaal Dayib. 10 Ardo Muxumed. 11 Narsi Maxamed. 12 Anfac Kaad. 13 Xaliimo Maxamed. 14 Xamdi Cabdulaahi. 15 Sahra Daahir. 16 Tamaan Shaafici. 17 Shaafi Cabdi Daa,uud. 18 Cabdi Dhuub Cumar. Dowlada dadkaa Iska leh ee dowladu dadka malaha. ONA.



02.01.2022 DIGNIIN. Dhamaan Xubnaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO ) ee kudhaqan magaalada Jigjiga iyo guud ahaan caalamka waxaan uga digaynaa in ay jiraan koox laga saaray Ururka ONLF oo kuqadhaabanaysa magaca Ururka. Kooxdan oo fulinaysa dano ay dad kale wataan ayaa sheegaya in ay Magaalada Jigjiga kuqaban doonaan shir iyagoo sheeganaya magaca Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia. ... Kooxdan oo si toos ah ula shaqaysa xisbiga EPP qaybtiisa DDS ayaa ah kuwo laga saaray Ururka, waxaana xubnaha uga digaynaa in ay tagaan shirkaas umada lagu kala jabinayo iyo shirarka lamidka ah ee ay qabtaan. Shacabku uma baahna Jahawareerin Xisbiga EPP na waa in uu sidiisa u howl galo isagoo magiciisa wata. ONA.

Related searches